Sawirrada Afrika iyo todobaadkan: 4 - 10 Ogost 2017
Xulka sawirradii ugu fiicnaa todobaadkan ee Afrika iyo meelo kale oo dunida ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Ciyaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Luvo Manyonga ayaa dadkii garoonka fadhiyey ugu riyaaqeen booddadii uu ku helay biladda dahabka ah Sabtidii ciyaarihii IAAF ee ka socda London. Afar sano ka hor wuxu qabatimay maandooriye la mid ah meth oo la yidhaa 'tik'. Haddase horyaalka booddada dheeri wuxu yoolkiisa ka dhigay in uu jabyo rikoodhka dunida.

Xigashada Sawirka, Ferdinand Omondi/BBC
Waa Isniin oo raggan Masaai-ga ahi waxay ka shaqaysanayaan goobtan ay dumarka timaha ugu tidcaan oo ku taal mid ka mid ah dariiqyada ugu dadka badan magaalada xeebta ah ee Mombasa.

Xigashada Sawirka, Ferdinand Omondi/BBC
"Rag haween timaha u dabayaa ma aha wax ku cusub Kenya laakiin in rag dharkii dhaqanka ee Masaai-ga xidhani shaqadan qabtaan ayaa la yaab leh" ayuu yidhi weriyahayaga Ferdinand Omondi oo sawiradan qaaday

Xigashada Sawirka, AFP
Waa Salaasa oo rag baa dul fadhiya sawirrada hogaamiyaha diineed iyo siyaasadeed ee kooxda Muanda Nsemiare goobtuna waa xarunta booliska ee Kinshasa. Booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa ku eedeeyey kooxda in ay ka dambaysay qulqulatooyinkii ay ku dhinteen 12 qof ee ka dhacay caasimadda Kinshasa.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isla salaasadii madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa dabaal degayey markii uu ka badbaaday cod kalsoonida loogu qaadayey oo la doonayey in xilka lagaga tuuro. Natiijadii codbixinta qarsooni waxay noqotay 198 isaga guushu ku raacday iyo 177 diidanaa.

Xigashada Sawirka, EPA
Ninkani wuxu ka mid ahaa malaayiinta qof ee Kenyanka ah ee doorashadii dalkaa ka dhacday codkooda ka dhiibtay Salaasadii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dadku waxay safafka galeen aroornimadii hore, qaarkoodna habeenimadii ayay yimaadeen.

Xigashada Sawirka, EPA
Mudaharaadadu waxay bilaabmeen markii Arbacadii musharaxa mucaaradka Raila Odinga ku dooday in kombuyuutarrada gudida doorashooyinka la jabsaday si codadka loogu shubo madaxweyne Kenyatta. Eedaas way beeniyeen saraakiisha gudida doorashooyinku.

Xigashada Sawirka, Anthonu Irungu/BBC
Waa Khamiis oo John Paul Mwirigi ayaa qoyskiisa la damaashaadaya ka dib markii uu noqday xildhibaanka ugu da'da yar Kenya. Waa arday dhigta jaamacadda oo 23 jir ah waxaana laga doortay bariga Meru oo wuxu yidhi: "Farxadaydu waa in dadka degmadani aqbaleen in xataa jiilka da'yarta ahi hogaanka qaban karaan"

Xigashada Sawirka, EPA
Dad badan oo Kenyan ah ayaa daawanayey TV-yada oo ka dhursugayey gudida doorashooyinka oo tirinta codadka waday.
Xuquuqda sawirrada waxa leh AFP, EPA, Getty Images and Reuters










