You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka 'oo ay suuragal tahay inuu hub u diro' Ukraine
Wakiilka gaarka ah ee cusub ee Mareykanka u fadhiya Ukraine ayaa sheegay in Washington ay si qoto dheer uga fiirsanayso inay hub u dirto dalkaasi si ay u caawiso kuwa la dagaalamaya fallaagada uu Ruushku baritaaro.
Kurt Volker ayaa BBC-da u sheegay in hubaynta ciidammada dowladda Ukraine ay suuragal tahay inay wax ka badesho habka Moscow ay dalkaasi u wajahdo.
Waxa uu sheegay in uusan u malaynayn in tallaabadan ay tahay daandaansi.
Todobaadkii la soo dhaafay, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ugu baaqday labada dhinacba inay dhawraan xabbad joojinta jilicsan ee ka jirta bariga Ukraine.
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in in ka badan 10,000 oo qof ay dhinteen tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay bariga Ukraine bishii Abriil ee 2014-kii, waxyar un kaddib Ruushku uu galay gacanka Crimea ee dalka Ukraine.
Dagaalka ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 1.6 milyan oo qof.
Xabbad joojin ayaa la isku afgartay wadahadal bishii Febraayo ee 2015 ka dhacay magaalada Minsk, hasayeeshee heshiiskaasi ayaanan loo fulin sidii uu ahaa.
Todobaadkii la soo dhaafay milateriga Ukraine ayaa sheegay in shan ka mid ah ciidamadooda lagu dilay duqeyn culus oo ka dhacday waqooyiga magaalada ay fallaagadu haysato ee Donetsk.