You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhisme ku dumay magaalada Nairobi
Dad lagu qiyaasay 15 ruux ayaa la la'yahay ka dib markii uu dumay dhisme toddobo dabaq ka kooban oo ku yaalla bariga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Hay'adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa Twitterkeeda ku soo qortay in shaqaalaha gurmadka dagdaga ah ay gaareen goobta uu dhibku ka dhacay oo ka agdhaw Embakasi.
Websaytka Star ayaa sheegay in dad badan laga daad gureeyay dhismaha wax yar uun ka hor inta uusan dumin.
Qof goobjooge ah ayaa wargayska u sheegay in dhisamahan laga cawday ka dib markii lagu arkay dildilaac ku dhashay darbiyadiisa.
Afartan iyo sagaal ruux ayaa ku dhimatay dhisme ku dumay Nairobi bishii afraad ee sannadkan ka dib markii uu da'ay roob mahiigaan ah.