Ciyaaryahankii hore ee kooxda Newcastle Cheick Tiote oo geeriyooday

Cheick Tiote oo horay ugu ciyaari jiray kooxda Newcastle ayaa geeriyooday isagoo ku jirray tababar.

Tiote ayaa mudo todobo sano ah u ciyaari jirray kooxda Newcastle. Waxa uuna u dhashay dalka Ivory Coast.

Ciyaaryahankan ayaa dheellay 150 ciyaarood sadax xilli ciyaareed oo la soo dhaafay.

Waxa uu hadda u ciyaarayay koox dalka Shiinaha ka dhisan oo lagu magacaabo Beijing Enterprises.

Cheick Tiote waxa uu ku dhashay dalka Ivory Coast.Waxa uuna ka mid ahaa ciyaaryahanadii dalkiisa u qaaday tartarkii Afrika.

Waxa uu ahaa taariikhda ciyaarihiisa ka soo bilaabay dalka Biljimka sanadkii 2005-tii. Ka dibna waxa uu u wareegay dalka Natherlands.

Tiote oo qadka dhexe ka ciyaari jiray waxa uu kooxda Newcastle ku soo biiray 2010-kii. Isagoo lagu soo iibsaday 3.5 Milyan oo Euro.

Ciyaaryahankan waxaa lagu xusuustaa gool uu ka dhlaiyay kooxda Arsenal 2011-kii oo noqday mid xusuusta galay.

Tiote waxa uu ka mid noqn doonaa ciyaaryahano badan oo iyagoo garoonka ku jirra geeriyooday.