Dooni siday muhaajirin oo ku degtay badda Mediterranean-ka

Muhaajiriin

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin

Hey'adaha Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in toboneeyo qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka kaddib markii dooni ay sarnayeen oo sida la sheegay buux dhaaftay ay degtay.

Muhaajiriin u dhashay dalka Nigeria oo ay soo bad baadiyeen kooxaha samata bixinta oo watay Markab kale ayaa sheegay in doonidani ay sarnayeen inkabadan boqol iyo konton qof, waxaana doontani la sheegay inay ka soo shareecatay xeebaha dalka Libya.

Mana jirto fahfaahin dheraad oo laga hayo hadalkan ka soo yeeray hey'adda qaxootiga ee UNHCR.

Mihaajiriin

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Sawir hore