You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Ciyaaridda kubadda cagta oo kalsoonida u kordhisa gabdhaha'
Kubadda ayaa kordhisa kalsoonida ay gabdhaha da'yarta ahi ku qabaan naftooda in ka badan kalsoonida ay ka helaan ciyaaraha kale, sida ay tilmaamayso cilmibaaris ay maalgalisay Uefa.
Cilmibaaristan oo ay ka qaybqaateen 4,128 gabdhood oo da'doodu tahay 13 iyo wixii ka sii sareeya ayaa ku kala sugnaa Spain, Denmark, England, Germany, Poland and Turkey.
Boqoolkiiba siddeetan haweenka kubadda ciyaara waxay sheegeen in ciyaaridda kubadda cagta ay ka helaan kalsooni, marka la barbar dhigo 74% haweenka dheela ciyaaraha kale.
Boqolkiiba konton iyo siddeed ka mid ah waxay sheegeen in ay ka soo kabteen kalsooni darro nafeed oo haysatay ka dib markii ay billaabeen in ay kubadda ciyaaraan.
Arrintaas oo la barbar dhigay 51% gabdhaha da'yarta ah ee ciyaaraha kale dheela.
Nadine Kessler oo ah lataliyaha arrimaha haweenka ee Uefa ayaa sheegtay in cilmibaaristan ay muujinayso in gabdhaha dheela kubadda ay ka kalsooni badan yihiin kuwa aan dheelin.