Dadka Koonfur Afrika oo looga digay shan libaax oo baxsatay

Xigashada Sawirka, AFP
Booliiska iyo ilaalada beeraha xayaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa baadigoobaya shan libaax oo ka baxsatay beerta xayawaanka ee Kruger National Park.
Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo macquulnimada weerarro ay u gaytaan dadka iyo xoolaha.
Ma cadda sida ay libaaxyadaasi u baxsadeen.
Booliisku waxay dadka ugu baaqeen in ay feejignaadaan gaar ahaan dadka ka agdhaw xuduudda dalka ay deriska yihiin ee Mozambique.
Website-ka eNCA ayaa Leonard Hlathi oo afhayeen booliiska u hadlay ah ka soo xigtay in uu yiri "Bulshadu ha iska ilaaliso libaaxyada, libaaxyadii wali lama qabanin taasina khatar ayay u keenaysaa dadka maadaama ay dadku jidkaas u adeegsadaan si joogto ah. Xataa dadka gawaarida saaran ee isku daya in ay xaajo gutaan halis badan ayaa soo wajihi karta ".







