You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sheila Abdus-Salaam oo maydkeeda laga helay New York
Garsoore Sheila Abdus-Salaam oo ah haweenaydii u horaysay ee madaw ah ee ka hawlgasha maxkamadda ugu saraysa New York, ayaa maydkeeda laga helay wabiga Hudson.
Booliiska New York ayaa sheegay in ay haweenaydan oo 65 jir ah ay ka soo saareen biyaha wabiga ka dib markii si degdeg ah loogu yeeray, dhimashadeedana waxay ku dhawaaqeen Arbacadii.
In la la'yahay waxaa booliiska ku wargaliyay ninkeeda.
Maydkeeda wuxuu ula muuqdaa sidii qof is dilay, balse baaritaanno ayay wali wadaan.
Dharkeedii ayay caadi u qabtay kamana muuqanin in jaraaxo loo gaystay, sida ay booliisku sheegeen.
Ninkeeda ayaa booliiska u sheegay in warkeeda la la'aa ilaa iyo subaxnimadii Talaadada.
Sheila walaalkeed ayaa is dilay saddex sano ka hor, wararku waxay sheegaya in iyaduna ay hadda murugo haysay.