You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sarkaal Nigerian ah oo lagu eedeeyay dumar uu madax u yahay oo uu timaha ka jaray
Waaxda nabadgelyada wadooyinka dalka Nigeria ayaa sarkaal ka tirsan anshax marisay ka dib markii filim laga duubay isagoo dumar uu xukumo ku ciqaabaya in uu tinta ka jaro.
Muuqaalka ayaa muujinaya nin askari ah oo maqas tinta kaga jaraya haween ka tirsan waaxda badbaadada wadooyinka.
Waxaa jira shuruuc u dhigan dumarka ka midka ah waaxda badbaadada wadooyinka ee heer federaal oon ka mamnuucaya inay timo dhaadheer la baxaan.
Afhayeen hadlay ayaa sheegay in sarkaalkan ficilka uu ku dhaqaaqay aysan ahayn mid qaanuunka waafaqsan.
Xogyahaha madaxweyne Buhari ayaa isagana cambaareeyey ficilka uu askariga ku dhaqaaqay oo uu ku tilmaamay mid lagu bahdilayo dumarka
Sarkaalka haweenka tinta kaga jaray fagaaraha ayaa ku ciqaabayay iyadoo la taagan yahay safka gaardiga subaxnimo. Kamana uusan hadlin amuurtani.
Qoraalladii la gelliyey facebooga ayaa laga saaray walow si weyn loogu baahiyay baraha bulshada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in sarkaalka timaha jaraya uu sidoo kale baarayay cidiyaha iyo labiska ciidanka.
Askar kale oo qayb ka ahaa howshan ayaa iyagana loo yeeray. Waxaana sidaasi sheegay afhayeen u hadlay waaxda badbaada wadooyinka.
Baaritaan ayaa socda waxaana la sheegaya in la qaadi doono tillaabada ku haboon.