Norway oo sare u qaaday feejignaanta falalka argagixisada ka dib markii bam lagu arkay Oslo

Shayyga qarxa waxaa laga helay bartamaha agagaarka Gronland

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Shayyga qarxa waxaa laga helay bartamaha agagaarka Gronland

Hay'adaha sirdoonka ee dalka Norway ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta ee ka qaadanayaan khatarta ka soo fool leh argagixisada, ka dib markii bam macmal ah laga helay bartamaha magaalada Oslo.

Laamaha ammaanku waxay sheegeen in ay hadda "u badantahay" in uu weerar dhaco

Sabtidii ayay booliisku isku gadaameen qaybo badan oo ka mid ah Gronland oo ku taalla bartamaha magaalada Oslo, halkaas oo ay ka fuliyiin furfuridda walax qaraxda.

Waxaa la xiray wiil 17 jir ah oo Ruushka u dhashay.

Qareenkiisa ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wiilku uu diiday in uu wax gaf ah sameeyay, wiilkuna uu ficilkaas uga gol lahaa shactiro ama maadays.

Wiilkan yar ayaa Norway u wareegay 2010kii wuxuuna dalbaday magangalyo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxa sirdoonka Benedicte Bjornland ayaa ka digtay weeraro la soo minguuriyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxa sirdoonka Benedicte Bjornland ayaa ka digtay weeraro la soo minguuriyay

Benedicte Bjornland, oo ah madax ka ah booliiska ayaa sheegay in aysan caddayn in wiilka yar ee 17 jirka uu oga gol lahaa in uu gaysto weerar argagixisanimo.

Waxay sheegtay in weeraradoo dhawaan ka dhacay Faransiiska, Jermalka, UK, Ruushka "in la qaadsiin karo Norway" waxayna ka digtay in horseedi karaan weerarro la soo minguuriyay.

Sare u qaadidan feejignaanta ayaa sii jiridoonta labo billood.