Meydka nin ay jebiso liqday oo la helay

Man inside the python

Xigashada Sawirka, West Sulawesi Police

Qoraalka sawirka, Jebisada ayaa la dilay si meydka looga soo saaro

Maydka nin u dhashay dalka Indonesia oo la waayay ayaa laga helay caloosha jebiso laqday, sida uu sheegay booliska. Akbar oo ku noolaa jasiiradda Sulawesi, ayaa la waayay Axaddii.

Mas'uul ka tirsan booliska Indoneisa ayaa BBC-da u sheegay in intii lagu guda jiray baadigoobka ninkan 25 sano jirka ahaa, la arkay jebiso wayn oo ay tuhmeen inay liqday ninka.

Jebisada oo dhirirkeedu uu gaaryay 7 mitir ayaa caloosheeda la dilaaciyay, waxaana halkaa laga soo saaray meydka ninkaasi.

waa naadir in jebiso ay disho islamarkaana cunto bani'aadamka.

Dadka deegaanka ayaa booliska u sheegay in Akbar uu maqnaa muddo 24 saacadood ah.

" Waa la raadiyay balse waa la waayay Akbar. Dadka deegaanka ayaa arkay jebiso aan dhaqaaqeyn oo god ku jirto. Waxayna tuhmeen inay laqday ninka la raadinayo, ayuu yiri Mashura oo ka tirsan booliska".

Close up of a man cutting open a huge snake with a long knife, while villagers look on. Salubiro village, Karossa, Central Mamuju, West Sulawesi, Indonesia. Published by Tribun Timur on 28 March 2017.

Xigashada Sawirka, West Sulawesi Police

Qoraalka sawirka, Jebisada ayaa la dilay si meydka looga soo saaro