You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Baraf dad ku dilay dalka Japan
Ugu yaraan 8 qof oo isugu jiray arday iyo macallimiin ayaa la fahamsan yahay inay ku dhinteen Japan, ka dib markii uu baraf ku soo dumay.
Waxay ka qayb qaadanayeen safar ay ku aadeen buur, meel u dhow magaalada bartamaha ku taalla ee Nasu.
Sideedda qof oo barafka hoostiisa laga soo saaray kama muuqan wax astaan ah oo ka mid ah astaamaha nolosha, lagumana dhawaaqin inay naftu ka baxday.
Afar kale oo arday iyo macallimiin isugu jira ayaa la la' yahay.
In ka badan 60 arday oo ka kala socday 7 iskuul ayaa wakhtigaas buurta dusheeda saarnaa. Baraf xoog leh ayaa labadii maalmood e u dambeeyey halkaa ka da'ayey.