Magaalo Maraykanka ku taalla oo gabigeedaba lagu gadayo 3.8 milyan oo doolar

Tiller

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Magaalada Tiller ee ku taala gobolka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa la shaaciyey in gabi ahaanba la iibinayo, waxaana lagu gadayaa lacag gaaraysa 3.8 milyan oo doolar.

Magaaladan oo ku taalla koonfurta Portland inteeda badan ma ahan mid la deganyahay waxayna ku fadhidaa dhul gaaraya 225 mayl.

Waxa la iibinayo waxa ku jira lix guri, dhismo dabaqyo ka kooban, kaalin shidaal iyo dukaan. ku dhowaad 250 qof ayaa ku nool agagaarka meesha la iibinayo

dadkii deganaa magaalada ayaa bilaabay in isaga guuraan ka dib markii uu hoos u dhacay wax soosaarka alwaaxa oo ahaa mid ay ka ganacsan jireen isla markaasna ay beeran jireen, sidoo kalana waxa albaabada loo laabay warshadii ay ku farsamayn jireen alwaaxa, sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah dadka ka ganacsiga iibinta guryaha

Magaalada Tiller waxa markii hore la shaaciyey in la iibinayo 2015-kii, balse wakhtigaa iyada ah lagu ma darin waxa la iibinayo iskuul qadiimi ah oo ku yaala magaalada

Laba qof oo keliya ayaa haatan kunool magaaladaasi Tiller- waxayna kala yihiin macalin hawlgab noqday iyo baaderi, waxaana la sheegay in aanan la iibin doonin meelaha ay deganyihiin.

Magaalada Tiller waxaa ku gadaaman buuro iyo geedaha alwaaxyada laga dhigo

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Magaalada Tiller waxaa ku gadaaman buuro iyo geedaha alwaaxyada laga dhigo
Tiller, Oregon

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Tiller, Oregon
Guri ku yaalla Tiller

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Guri ku yaalla Tiller
Bakhaarka guud ee Tiller ayaa isna iib ah

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Bakhaarka guud ee Tiller ayaa isna iib ah
The inside of the general store in Tiller

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Gudaha dukaanka
Dugsigii hoose ee magaalada ayaa hoy u noqday deero, haddana waa iib

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Dugsigii hoose ee magaalada ayaa hoy u noqday deero, haddana waa iib
Goobtii Jimicsiga ee iskuulka

Xigashada Sawirka, Land and Wildlife.com

Qoraalka sawirka, Goobtii Jimicsiga ee iskuulka

Marka waxa la isweydiinayana maxay tahay sababta loo iibinayo magaalada?

waxa la sheegayaa in uu jiro qoys iibsaday inta badan dhulkii ay deganaayeen dadka isaga guuray magaalada, kadib markii uu aad u yaraaday suuqii alwaaxa isla markaasna ay hoos u dhacday lacagtii laga heli jiray dowladda federaalka.

dadka sheegay in ay danaynayaan in ay iibsadaan magaaladaasi waxa ka mid ah dhowr maalgashoto oo ka soo jeeda dalka shiinaha, dad doonaya in ay halkaasi ka samaystaan xarumo caafimaad iyo dad doonaya in halkaasi ay ka samaystaan beero