Wasaaradda tareenka ee Hindiya oo lagu bogaadiyay baahitirta canug yar

Wasaaradda tareenka ayaa lagu yaqaanaa in ay aad ugu fiican tahay adeegsiga Twitterka

Xigashada Sawirka, Ministry of Railways

Qoraalka sawirka, Wasaaradda tareenka ayaa lagu yaqaanaa in ay aad ugu fiican tahay adeegsiga Twitterka

Waxaa iska soo dabo dhacaysa ammaanta baraha bulshadu ku xiriirto loo soo marinayo wasaaradda tareenka ee dalka Hindiya ka dib markii ay ka jawaabtay dalab degdeg ah oo loo soo dhigay Twitter-ka oo ay caano siisay canug yar oo gaajaysan.

Anagha Nikam oo ku safraysa tareen ayaa aragtay hooyo isku dayaysa in ay caano u hesho gabadheeda yar.

Twitter ayay u dirtay wasaaradda waxayna ka codsatay in ay caawiyaan canugta yar, wasaaradda ayaana caanaha ku sii diyaarisay goobtii u soo xigtay ee uu basku ku hakanayay waxaana caanihii la siiyay gabadhii yarayd ee gaajaysnayd.

This baby needs milk, baby traveling with her parents in @KonkanRailway ,'s Happa express , please contact Sneha Bapat traveling with them

Xigashada Sawirka, Anagha Nikam

Wasaaradan ayaa lagu yaqaanaa in ay aad u adeegsato barta bulshadu ku xiriirto ee Twitterka, hadda ka horna dad badan oo rakaab ah oo dhibaato haysatay ayay caawisay

Nikam ayaa xiriirkan Twitterka la samaysay wasaaradda tareenka 12kii bishan Maarso, balse arrintan ayaa soo shaac baxday markii ay wasaaraddu Twitterka soo dhigtay Khamiistan.

Waxay ku safraysa tareenka Happa Express oo ku safrayay gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra marka ay caawinta u dalabtay qoyskan.

Waa kuwan Twotter-radii ay is dhaafsadeen.

@meanagha pl share pnr.

Xigashada Sawirka, Anagha Nikam

@meanagha milk arranged at Kolad station, please come out of coach at Kolad stn.

Xigashada Sawirka, Konkan Railway

Kartiki is so lucky, she got milk in running Happa express, Thank you @KonkanRailway @sureshpprabhu

Xigashada Sawirka, Anagha Nikam