You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shiinaha oo kordhinaya kharashka Milateriga
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono 7% kharashka ku baxa milatarigiisa sannadkan.
Caddadka rasmiga ah Axadda ayaa shaaca laga qaadi doonaa, marka baarlamaanka Shiinaha, golaha qaranka ee shacabka, uu billaabo kal-fadhigiisa sannadlaha ah.
Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxweyne Trump uu hoosta ka xarriiqay qorshayaal lagu kordhinayo kharashka ku baxa milateriga, ku dhawaad 10%.
Sarkaal sare oo Shiinees ahayaa sheegay in Beijing ay u baahan tahay inay awood u yeelato ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaheeda.
Sannadihii u dambeeyey Shiinuhu wuxuu casriyeynayey ciidankiisa qalabka sida.
Dad badan oo wax indha-indheeya ayaa su'aal galinaya sida ay sax u tahay caddadka miisaaniyadda xagga difaaca, ayagoo sheegay in ay tahay mid aad uga badan inta la sheegay.