You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mucaaradka Liibiya oo weeraray xarumo shidaal
Wadanka liibiya waxa ka bilowdey dagaal cusub oo dhinacyada ay isku hirdinayaan dekedaha laga dhoofiyo saliida.
Maleeshiyaadka loo yaqaano cutubyada difaaca Bengaasi ayaa weerarey dekedaha waaweyn ee Es Sidaar iyo Raas Lanuuf oo ah halka laga dhoofiyo saliida.
Weerarkooda aya lagaga jawaabey duqeymo cirka ah oo ay soo qaadeen ciidamado ka amar qaata hogaamiyaha militeriga, Khaliifa Xaftaar oo gacanta ku haya deegaano badan oo ku yaala barriga liibiya.
Ciidamadan oo loo yaqaano Ciidamada Barriga Liibiya ayaa maamulayay dekedahan ilaa iyo bishii sebtember ee sannadkii aynu soo dhaafnay inkastoo dhowr jeer la soo weeraray.