Nokia 3310 oo 17 sano ka dib lagu soo celiyay suuqa

Telefoonka Nokia 3310 ayaa markale maanta la billaabay.
Telefoonkaasi ayaa 17 sano ka maqnaa suuqa ka dib markii la soo saaray noocyo kale oo casri ah.
Dad badan waxay u arkaan inuu ahaa telefoon aad u wanaagsan oo adkeysi lahaa. in ka badan 126 milyan oo xabo ayaa la iibiyay ka hor 2005-tii.
Telefoonka Nokia 3310 oo la soo casriyeeyay iyo noocyo kale oo ku shaqeynaya Android ayaa suuqa mar kale dib loo bilaabay.
Mid ka mid ah Khubarada wuxuu sheegay inay ahayd "hab cajiib ah" in Nokia dib loo casriyeeyo.
"Nokia 3310 waa markii ugu horeysay ee suuq ballaaran uu helo, waxaana jirto tiro cusub iyo Jaceyl loo hayo telefoonka", ayuu yiri Ben Wood oo ka mid ah shirkad qaabilsan la talinta dhinaca tiknolojiyadda ee CCS.
"Hadaba, Nokia 3310 waa tallaabo wanaagsan oo si caqli ah loo qaaday, waxaana fileynaa in si wanaagsan loo iibsan doono".

Xigashada Sawirka, Nokia
Waxaa sidoo kale munaasabadda oo ka dhacday Barcelona lagu shaaciyay telefoono.
LG, Huawei iyo Lenovo ayaa dhankooda xafladda ku soo bandhigay qalab cusub oo ay soo saareen.

Noocyada kale ee Nokia ay shaacisay waxaa ka mid ah Nokia 6 Android oo ah nooc casri ah.

Xigashada Sawirka, Nokia

Xigashada Sawirka, Nokia












