Holland: Siyaasi ku hanjabay inuu masaajidda xiridoono haddii la doorto

Xigashada Sawirka, Reuters
Siyaasi u dhashay Netherlands oo lagu magacaabo Geert Wilders ayaa sheegay inuu qoxootiga Muslimiinta ah ka hor istaagi doono inay dalkaasi galaan.
Wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu billaabayay ololaha doorashada ee xisbigiisa.
Wuxuu Mr Wilders sheegay in shacabka Holland ay go'aan ka gaari doonaan cidda dalkaasi loo ogolaanayo.
Doorashada oo bil ay ka harsan tahay, taageerada uu xisbiga Wilders haysto ayaa la sheegayaa inay hoos u sii dheceyso.
Weriyaha BBC-da ee halkaasi ku sugan wuxuu sheegayaa in hadalladiisii uu ku taageeray Trump ay sababeen in taageerayaal badan ay ka haraan xisbigiisa.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hadda hogaamiyayaasha ugu cadcad waxay kala yihiin, ra'iisul wasaaraha talada haya Mark Rutte iyo hogaamiyaha xisbiga The Green, Jesse Klaver.
Wilders ayaa wacad ku maray inuu sifeyndoono wax uu ugu yeeray "wasaqda Morocco".
Wuxuu ku eedeeyay inay jidadka ka dhigeen kuwa aan nabad ahayn.
Wuxuu shacabka Netherlands ka codsanayaan inay dalkooda dib ula wareegaan ayna u codeeyaan xisbigiisa diidan Muslimiinta.
Wilders waxaa si weyn u ilaalinayay ciidamo xilligii uu ku dhex lugeynayay magaalada uu taageerada badan ka haysto ee Spijkenisse.
"Wasaq badan oo Morocco ah ayaa taalla jidadka Holand, kuwaas oo wadada ka dhigay meel aan lagu nabad galeyn," ayuu yiri.
"Haddii aad dooneysaa inaad dalkiina dib u hanataan, dadka reer Netherlands u dhiibta talada, waxaadna u codeyn kartaa hal xisbi oo keli ah." ayuu yiri.
Geert Wilders ayaa sidoo kale sheegay inay xuduudda xiranayaan, 'uuna xiridoono Masaajidda'.
Wilders siyaasadaha uu uga deyanayo Trump waxay u muuqdaa in aan laga ogoleyn dalka Holland.
Dad badan oo ka mid ah codbixiyayaasha Netherlands waxay aaminsan yihiin in Trump uu halis ku yahay xasilloonida caalamka.
Siyaasiga hadda ugu shacbiyadda badan waa Jesse Klaver, kaas oo lala mid dhigo ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau.











