Suudaan oo rabta in ay burburiso 25 kiniisadood

Sawir hore, Kiristaanka dalka Suudaan ayaa laga badan yahay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawir hore, Kiristaanka dalka Suudaan ayaa laga badan yahay

Xukuumadda Suudaan ayaa rabta in ay burburiso 25 kiniisadood oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum sida uu qoray website-ka Radio Tamazuj oo fadhigiisu yahay dalka Netherlands.

Kiniisadaha ayaa la burburin doonaa iyadoo lagu eedeeyay in loo badalayo guryo deegaan ah.

Website-ka ayaa soo xigtay Yahya Abdurrahman oo wadaad ka ah kiniisadda Evangelical-ka ee dalka Suudaan oo sheegaya in dawladdu ay si ula kac ah u bartilmaameedsanayso goobaha ay dadka Kiristaanka ahi ku cibaadaystaan si ay u burburiyaan.

Yahya Abdurrahman ayaa sidoo kale laga soo xigtay in uu sheegay in sababta ay dawladdu u bartilmaaameedsanayso kiniisadaha ay ku sheegtay in laga dhisay dhul dadwaynaha ka dhaxeeyay oo aysan ruqsad u haysanin, laakiin uu isagu u arko arrin la soo maleegay.