Muslimiinta Jakarta oo loogu baaqay inay maayar Muslim ah doortaan

Muslimiinta Jakarta ayaa doonaya in masiixiyiinta asalkooda yahay Shiinaha aanan loo dooran maamulka caasimadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muslimiinta Jakarta ayaa doonaya in masiixiyiinta asalkooda yahay Shiinaha aanan loo dooran maamulka caasimadda.

Kumannaan qof oo reer Indonesia ah ayaa isugu tagay magaalada Jakarta, ayagoo Muslimiinta ku baraarujinaya in musharax Muslim dhab ah ay u doortaan Maayarka magaalada.

Maayarka hadda, -- Basuki Tjahaja Purnama - waa masiixi asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha, kaas oo dacwad ay maxkamad kaga socoto ka dib markii lagu eedeeyay inuu Quraanka Kariimka ah Aflagaadeeyay.

Markale ayuu musharax yahay iyadoo dacwadda ay socoto, waxaana la sheegayaa inay suuragal tahay inuu ku guuleysto doorashada Arbacada.

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Muslimiinta Jakarta oo loogu baaqay inay qof Muslim ah doortaan

Ololaha asiga ka dhanka ah waxaa hogaamiyaha culimo Muslimiin ah.

Waxay hogaamiyayaasha Muslimiinta go'aan ku gaareen in caasimadda uu qof Muslim ah ka taliyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxay hogaamiyayaasha Muslimiinta go'aan ku gaareen in caasimadda uu qof Muslim ah ka taliyo
Mid ka mid ah isu soo baxyada waxaa lagu qabtay masaajidka Istiqlal, halkaas oo musharrixiinta Muslimiinta ah loogu duceeyay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah isu soo baxyada waxaa lagu qabtay masaajidka Istiqlal, halkaas oo musharrixiinta Muslimiinta ah loogu duceeyay

Dadka isu soo baxay waxay ruxayeen boorar iyo calamo, waxaynka ku qeylinayeen "qof Muslim ah doorta".

Dadka ka qayb galay isu soo baxa ayaa soo jeediyey in loo codeeyo laba murashax oo muslimiin ah oo Purnama xillka kula loolamaya.

Dadka qaar ayaa isugu tagay meelo gaar ah si ay ugu duceeyaan musharrixiinta Muslimiinta ah.

Taageerayaasha qaar waxay siteen boorar ay ku qornaayeen "Waxaan doorbidi lahaa hogaamiye muslim ah. waa xaaraam in la doorto qof gaal ah".

Mr Purnama ayaa ooyay markii uu bilowday kiiska asiga ka dhanka ah bishii december

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mr Purnama ayaa ooyay markii uu bilowday kiiska asiga ka dhanka ah bishii december

Bannaanbax ka dhan ahaa Parnama oo Jakarta ka dhacay bishii December wuxuu isu badalay qalalaase, waxaana ku dhintay hal qof.

Waxaa rabshadadaasi sidoo kale ku dhaawacmay tobanaan qof oo shacab iyo boolis ah.

Mr Purnama wuxuu noqday masiixigii ugu horeeyay muddo 50 sano ah ee maayar ka noqda Jakarta. Wuxuu kala wareegay madaxweynaha hadda Joko Widodo, sanadkii 2014-kii.