You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Banaanbaxyo ka dhacay Niger
Kumanaan qof ayaa dalka Niger ka dhigay banaanbax ay kaga soo hor jeedaan madaxweyne Mahamadou Issoufou iyo xukuumadiisa.
Banaanbaxa ka dhacay magaalada caasimadda ee Niamey waxaa soo abaabulay dhowr urur oo ah kuwa bulshada rayidka.
Waxay ka cabanayeen musuqmaasuq, waxayna ku baaqeen in xukuumaddu hoos u dhigto caddadka lacagta ay ku kharash garayso xubnaha baarlamaanka.
Shaqaalaha dawladda qaarkood ayaa sheegay inay ka maqan yihiin lix ilaa todoba bilood mushaarkii ay qaadan lahaayeen.
Dibad baxayaashu waxay kaloo dhaliileen joogitaanka milateriga reer galbeedka ee Niger.
Dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa dalkaas saldhigyo ku leh, si loola dagaallamo islaamiyiinta xagjirka ah ee gobolka Saaxil.