You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Talyaaniga iyo Liibiya oo iska kaashanaya xakameynta tahriibka
Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa sheegay in uu heshiis lagu joojinayo dadka kasoo tahriiba Liibiya la galay dhiggiisa dalkaasi.
Mr Gentiloni ayaa sheegay in uu ra'iisul wasaaraha Liibiya, Fayez Serraj, kulan kula qaatay caasimadda Rome, ayna labada dhinac ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha dadka tahriibiya.
Talyaaniga ayaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ugu deeqay lacag, tababar iyo qalab, si ay u joojiso muhaajiriinta dalkaasi uga soo gudba Yurub.
Ra'iisul wasaare Gentiloni ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Midowga Yurub ee maanta ku shiraya Malta in ay qaadaan tallaabo taa la mid ah si loo xakameeyo dadka badda Mediterranean-ka isku biimeeya si ay Yurub u gaaraan.