You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaramada Midoobay oo ka digtay dagaal cusub oo Ukraine ka billawday
Gollaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa ka digay in ay "xaalad halis ah oo ka sii daraysa" ka taagan tahay bariga Ukraine wuxuuna ku baaqay in ay dagaalka joojiyaan dhinacyada dagaalamaya.
Goluhu wuxuu sheegay in dagaalkan soo cusboonaaday uu "saamayn xun" ku yeeshay shacabka.
Dagaalka ka socda magaalada jiida hore ku taalla ee Avdiivka ayaa sababay in kumanaan dadka deegaanka ah ay biyo iyo koronto la'aan noqdaan iyadoo qabaw daran uu ka jiro halkaas.
Ukraine waxay sheegtay in ay diyaarinayso daadguraynta dadka magaaladaas si looga baaqsado dhibaato baniiadamnimo.
Midba midka kale ayuu ku eedaynayaa in uu dagaalka huray.
"Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loogu soo noqdo xabbad joojintii," ayaa lagu qoray war ay soo saartay Ukraine.
In kabadan 9,700 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalka oo billawday 2014kii markii uu Ruushku la wareegay gacanka Crimea ee koonfurta Ukraine.
Jabhado Ruushka taageersan ayaa markiii dambana dagaallo ka billaabay bariga.
Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa cunaqabotayn saaray Ruushka iyaga oo ka jawaabaya ficilada uu ka sameeyay Ukraine. Ruushka ayaase diiday in uu taageero jabhadaha.
Xoogagga Ukraine ayaa sheegay in dagaalkan u dambeeyay uu qarxay markii ay jabhadduhu weerar ku qaadeeen magaalada Avdiivka oo ay gacanta ku hayaan taas oo xad la leh dhulka ay maamulaan qolyaha gooni u goosadka raba.
Jabhadduhuna waxay sheegeen in ay ciidammada dawladdu soo weerareen marka hore.
Todobo ciidammada dawladda ah iyo tiro kale oo jabhadaha ah ayaa la dilay maalmihii u dambeeyay, waxaana jira waxyeelo soo gaartay shacabka inkastoo aan la haynin tiro rasmi ah.
Ukraine waxay sheegtay in haddii ay daadgurayntu suurtagasho in maalinkaste magaalada laga soo saari doono ku dhawaad 8,000 oo ruux.
Qof magaciisa ku sheegay Nadiya oo dagan magaalada Avdiivka ayaa BBC-da u sheegay in "waxkaste ay sii xumaanayaan".
"Dadku aad ayay u baqayaan haddii ay banaanka aadi lahaayeenna qabaw daran ayaa jira. dukaamo kooban ayaa furan, rotiga ayaana fayl loogu jiraa".
Dadka magaaladaas ku nool ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 16,000 ilaa 22,000.
Saraakiishu waxay sheegeen in daadgurayntaas ay dhici doonto haddii uu dagaalku sii kharaaraado. waxay intaas ku dareen in ku dhawaad 10 kun oo tan oo cunto ah durba gayn doonaan magaalada.