Britain iyo Turkiga oo ka xaajoon doona ganacsiga

Xigashada Sawirka, PA/EPA
Ra'iisul wasaaraha Britain, Theresa May, oo maanta booqasho ku tegi doonta dalka Turkiga, ayaa la filayaa in madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ay kala hadasho heshiis cusub oo dhanka ganacsiga ah.
Theresa May ayaa maanta gaari doonta caasimadda Ankara, ka dib markii ay shalay Washington kula kulantay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Ra'iisul wasaaraha Britain ayaa dooneysa in dalkeeda uu suuq ganacsi dalal badan ka helo, ka dib marka uu ka baxo Midowga Yurub.
Britain ayaa la filayaa in bisha Maarso ee sanadkan ay bilowdo, qorshaha ay uga baxayso Midowga Yurub, kaasoo la filayo in uu qaato ilaa laba sano.
Mar wax laga weydiiyay in Theresa May ay arrimaha xuquuqda aadanaha kala hadli doonto madaxweyne Erdogan, ayaa haweeney u hadashay xafiiska ra'iisul wasaaraha waxa ay sheegtay in "Britain ay si buuxda u taageersan tahay dimuqraadiyadda iyo hay'adaha dowliga ah ee Turkiga, ka dib isku daygii afgembi ee dalkaasi ka dhacay."
Booqashada Theresa May ay ku tegayso Turkiga ayaa khilaafsan aragtida in badan oo ah madaxda Yurub, kuwaasoo diiddan sida ay xukuumadda Ankara ula dhaqantay dadka ay ku eedeysay in ay ka dambeeyeen isku daygii inqilaab ee dalkaasi ka dhacay July 2016.






