You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tageere Trump oo loo xiray in uu weeraray gabadh Muslim ah
Nin dagan gobolka Massachusetts ayaa lagu soo oogay in uu hadallo nacayb ah ku yiri gabadh Muslim ah isla markaasna uu laadaay iyadoo joogta garoonka JFK oo ay ka shaqayso.
Robin Rhodes oo 57 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu yiri " Trump ayaa idinka oo dhan meesha idinka saari doona, wuxuuna gabadha u diiday in ay ka soo baxdo xafiiskeeda Delta Sky Lounge.
Dacwooyinka uu wajahayo waxaa ka mid ah naycayb sida uu sheegay xeer ilaaliyaha degmada Queens
Haddii eedaymahaas lagu helo wuxuu wajihi karaaa afar sano oo xabsi ah.