Samsung: Baytariga ayaa keenay gubashada taleefanka Galaxy Note 7

Galaxy Note 7 ayaa dib u habayn wanaagsan lagu sameeyay laakiin qaar ka mid ah ayaa aad u kululaaday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Galaxy Note 7 ayaa dib u habayn wanaagsan lagu sameeyay laakiin qaar ka mid ah ayaa aad u kululaaday

Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Shirkadda ayaa bishii October ee sanadkii hore joojisay iibinta taleefankeedan ka dib markii ciladdaas lagu arkay.

Isniintan ay shirkaddu sheegtay in ciladdaasi ay ku egtahay baytariga oo kali ah isla markaasna aysan la xiriirin qaybaha kale ee taleefoonka.

Note 7 ayaa lagu tilmaamay in uu yahay taleefanka ugu wanaagsan ee Android adeegsada ilaa iyo hadda ka dib dib u eegis lagu sameeyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Note 7 ayaa lagu tilmaamay in uu yahay taleefanka ugu wanaagsan ee Android adeegsada ilaa iyo hadda ka dib dib u eegis lagu sameeyay

Waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay khasaartay 5.3 bilyan oo doolaar ka dib markii ay joojisay iibinta taleefakaas isla markaasna ay soo celisay kuwii ay iibisay, ka dib markii ay ka cawdeen macaamiishu, arrintaas ayaana dhaawacday sumcaddii shirkaddaas oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda ayaa ciladda Galaxy Note 7 ku faahfaahisay war qoraal ah oo ay soo saartay.

Shirkaddu waxay sheegtay in qaabayta taleefanka iyo labo warshadood oo taleefanadda lagu sameeyo ay kaalin ku lahaayeen ciladda baytariga gashay.