You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
El Salvador oo dilka uu caadi ka yahay oo markii ugu horeysay aan maalin qofna lagu dilin
Booliska dalka El Salvador wuxuu sheegay in dalka aanan qofna lagu dilin 24kii saacadood ee aan soo dhaafnay.
Arrintaasi ayaa aad u yar in lagu arko dalkaasi burcadda ay ku badan yihiin.
El Salvador wuxuu ku jiraa dalalka dilalka ugu badan ay ka dhacaan caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobeey.
Toban qof ayaa maalinkastaa lagu dili jiray dalkaasi tan iyo intuu sanadkan bilowday. Balse heshiis nabadeed lama filaan ah ayaa arbacadii la saxiixay.
Dhibaatada ugu badan waxaa sababa burcadda, oo deegaanka looga garanaayo maras, oo guud ahaan bartamaha Amerika ka howlgasha.
Booliska maysan sharaxin sababta keentay in qalalaasaha uu dhammaado.
Laakiin, maamulka waxay beeniyeen inay heshiis xabad joojin la galeen burcadda.
Burcadda waxaa asalkooda aasaasay dhallinyaro ka qaxay El Salvador oo 1980-maadkii ku sugnaa magaalada Los Angeles.
Dhallintaas waxay ka qexeen dagaal sokeeyo oo dalkaasi ka socday xilligaas.
Markuu dagaalka dhammaaday 1992-dii, badankooda waxay dib ugu noqdeen dalka, waxayna la tageen dhaqankii burcadnimo ee Mareykanka ay la joogeen.
Kooxaha Maras ama Pandillas waxay ku lug leeyihiin ka ganacsiga daroogada, iyo dhaca.