You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweynaha Gambia Jammeh oo wacad ku maray inuu "xilka sii haynayo illaa doorasho laga qabto"
Madaxweynaha dalka Gambia Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuusan is casilidoonin ka hor go'aanka maxkamadda sare ee doorashada lagu muransan yahay.
Hase yeeshee, lama filaayo in maxkamadda ay go'aan ka garto arrinta illaa bisha May ee sanadkan.
Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan "faragelin dibadda kaga timaado Gambia".
Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.
Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.
Madaxweynaha la doortay Adama Barrow wuxuu sheegay in isbuuca soo socdo loo dhaarindoono xilka.
Mr Jammeh, oo horey u aqbalay in lagaga adkaaday doorashadii December, ayaa dib ka diiday, wuxuuna dacwad u gubiyay maxkamadda sare.
Wuxuu ku doodayaa in natiijooyiinka qaar ka mid ah la badalay, wax isdaba marinna la sameeyay.
Balse guddiga doorashada wuxuu ku adkeysanayaan in natiijada ay sax tahay, balse ay jireen qaladaad yar.
Adama Barrow oo ah ganacsade ayaa si dirqi ah uga guuleystay madaxweynaha hadda talada haya.
Yaxya Jammeh ayaa jagada qabsaday 1994tii, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan an aadanaha.
Laakiin Gambia waxaa ka dheceysay doorasho joogto ah oo lagula tartamay.