Abaarta Somaliland oo gaartay meel halis ah
Somaliland ayaa ku dhawaaqday in xaaladda abaaraha ay meel halis ah mareyso una baahantahay in wax laga qabto.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga sare ee gurmadka abaaraha Somaliland, Sheekh Xasan Cabdisalaam, ayaa ku baaqay in shacabka iyo caalamkaba ay sii wadaan gargaarka dadka abaartu waxyeelleysay.
weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay Sheekh Xasan Cabdisamaam ayaa ugu horeyn weydiiyay qaadhaanadii ugu danbeeyay iyo meelaha ay ka heleen?



