You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Baarlamaanka Turkiga oo kordhiyay waqtiga Xaaladda degdegga
Baarlamaanka dalka Turkiga wuxuu u codeeyay in la kordhiyo xaaladda degdegga ah ee dalkaasi uu ku jiro.
Wuxuu baarlamaanka ogolaaday in seddax bilood laga badiyo amarka degdegga ah oo la soo rogay ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.
Hadda wuxuu sii socondoonaa illaa bartamaha bisha April ee sanadkan.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka, Numan Kurtulmus, wuxuu sheegay in kordhinta inay muhiim tahay.
Wuxuu tilmaamay in taageerayaasha wadaadka deggan Mareykanka ee Fethullah Gulen, ay weli si firfircoon uga howlgalaan xarumaha shacabka.
Wadaadkaasi Fethullah Gulen ayaa ku eedeysay abaabulka afgembiga fashilka ku dhammaaday.
Dowladda ayaa ka sifeysay, booliska, xeer ilaalinta, Militari, iyo waxbarashada, tobannaan kun oo qof oo looga shakisan yahay inay taageeraan wadaadkaas.
Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa afgembigaasi.