You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo 13 kun oo askeri shaqada ka tiray
Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka joojisay 13 kun oo boolis oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka, Fetxullah Gulen.
In kabadan 2500 oo ka mid ah askartaasi waa taliyayaal, sida dowladdu sheegtay.
Fetxullah Gulen wuu beeniyay eedaha dowladda ee ah in taageerayaashiisa ay abaabuleen afgembigii fashilmay bishii July ee sanadkan.
Tobannaan kun oo qof ayaa shaqada dowladda laga joojiyay ama laga ceyriyay tan iyo markii uu isku deyga afgembiga dhacay.
Sidoo kale, in ka badan 30 kun oo qof ayaa la xiray tan iyo markii uu dhacay afgembiga dhicisoobay.