Haramcadka oo halis ugu jira inuu cirib tirmo

Xigashada Sawirka, ZSL
Xayawaanka dunida ugu dheereeya, Haramcadka, ayaa la sheegayaa in uu si xawli leh halis ugu jiro inuu cirib tirmo.
Daraasad ay samaysay Akaadeemiyada Sayniska ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in haramcadku uu si isa sii taraysa iska hor imaad u dhex maro isaga iyo bani aadmiga, ayagoo ka soo baxa goobaha lagu ilaaliyo xayawaanka. Ubadkooda ayaa iyagana noqday wax looga xarragoodo dalalka Khaliijka.
Tan iyo sannadkii 2000, ayaa waddanka Zimbabwe oo kaliya tirada Haramcadka uu hoos u dhacay min 1,200 ilaa iyo 170.
Akaadeemiyada ayaa doonaysa in Haramcadka lagu daro noolaha dabargo'a halista ugu jira.






