Mali oo lagu afduubtay haweeney gargaarka ka shaqeyneysay oo Faransiis ah

Saraakiisha amniga ee dalka Mali waxay sheegayaan in haweeney gargaarka ka shaqeyneysay laga afduubtay magaalada Gao.

Haweeneyda ayaa haysatay Dhalashada Faransiiska iyo Switzerland.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gurigeeda laga afduubtay.

Waxaa lala kexeystay cunug agoon ah, waxaana afduubtay seddax qof.

Xubin ka mid ah dowladda hoose ee Gao ayaa sheegay in howlgal badbaadin ah uu bilowday.

Ma caddo aqoonsiga dableyda iyo waxa ay doonayaan ee afduubka ay u geysteen.

Weeraro aan joogto ahayn ayay islaamiyiinta ka geystaan waqooyiga Mali, tan iyo sanadkii 2012kii.

Xilligaas ayaa dalkaasi laga saaray malleeshiyaadkii Tuareg iyo islaamiyiinta.

Militariga dalka Faransiiska oo caawinayay dowladda Mali ayaa ka sifeeyay dalkaas dhammaan malleeshiyaadka.