Kulamadii maanta ee tartanka kubadda Koleyga gabdhaha Soomaaliya

Waxaa weli ka socdo Garowe, tartanka gabdhaha ee kubadda koleyga. Kulammadii maanta dhacayna waxaa natiijadu ay ahayd sidan:

  • Galmudug 44-20 Puntland
  • Banaadir 62-17 Jubaland
Gabdhaha ayaa muujiyay xirfad wanaag oo koleyga ah
Qoraalka sawirka, Gabdhaha ayaa muujiyay xirfad wanaag oo koleyga ah
Xiriirka olombikada Soomaaliya ayaa tartanka qabanqaabiyay
Qoraalka sawirka, Xiriirka olombikada Soomaaliya ayaa tartanka qabanqaabiyay

Tartanka waxaa ka qeybgalaya lix kooxood oo kala matalaya maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin, Puntland, Billan (Koofur Galbeed) iyo Galmudug oo isku koox ah iyo, Banaadir, Jupaland, iyo Hirshabelle oo guruubka labaad ah.

Waa tartankii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada ka wada qeybgalaan.
Qoraalka sawirka, Waa tartankii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada ka wada qeybgalaan.

Kulamada maanta la ciyaari doono waxaa ka mid ah:

  • Banaadir iyo Puntland
  • Hirshabeelle iyo Galmudug

Ciyaarta ugu dambeysa ayaa la ciyaari doonaa Isniinta.

Tartanka koleyga gabdhaha
Qoraalka sawirka, Tartanka koleyga gabdhaha
Tartanka koleyga gabdhaha
Qoraalka sawirka, Tartanka koleyga gabdhaha
Daawadayaasha
Qoraalka sawirka, Daawadayaasha