Ciyaaraha K/Kolayga Gabdhaha oo ka socda Garowe

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Kolayga Gabdhaha ee qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Tartankan oo ay ka qeyb galayaan gabdhaha ka kala socdo Banaadir, Hirshabelle, Galmduug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah tartankii u horeeyay ee gabdhaha kubadda koleyga gobolada loo qabto muddo 25 sano ka badan.
Hay'adda Culimada Soomaaliyeeed ayaa mar sii horreysay ka digtay ka qeybgelka gabdhaha ee ciyaarahaasi.

Guddoomiyaha Hey'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay Tartankan loo qabanayo gabdhaha oo uu ku tilmaamay inuu yahay macaasi, sidaas darteedna ay ka digayaan.
Balse guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar farweyne ayaa sheegay inay ciyaaruhu sii socon doonaan.

Ilahaan Cumar oo dhawaan dalka Mareykanka ka noqotay xildhibaan ayaa ku sugan magaalada Garowe si ay u daawato ciyaarahaasi.
Ciyaarayahan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olimbikada Soomaaliya.
Waxay socon doonaan ila aiyo 2 bishan December.













