Kubadda koleyga Gabdhaha oo culimo iyo Puntland ay isku khilaafeen
Magaalada Garowe waxaa ka furmay tartanka gabdhaha ee kubadda Koleyga, balse qaar ka mid ah culimada ayaa sheegay in arrintaasi aysan bannaaneyn.
Gudoomiyaha golaha culimada Soomaaliya, Sheekh Bashiir Axmed Salat ayaa BBC-da u sheegay in arrinta ugu weyn ee dhibka ah ay tahay in dumar ciyaaraya ragna ay daawadaan.
Hadaba maamulka Puntland oo martigeliyay ciyaaraha ayaa ka jawaabay hadalka culimada ka soo yeeray.
Gudoomiyaha Nugaal, Cumar Cabdullahi Maxamed (Cumar Faraweyne), oo gobolkiisa lagu qabanayo tartanka gabdhaha ee Koleyga ayaa sheegay in culimada looga baahnaa inay marhore ka hadlaan kuwa Muqdisho lagu qabto.
Halkan ka dhageyso wareysiyada labada dhinac.


