You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tuuniisiya oo xirtay nin uu abti u ahaa ninkii fuliyay weerarkii Berlin
Ciidammada ammaanka ee waddanka Tuuniisiya ayaa xiray wiil uu abti u ahaa ninkii qaaday weerarkii Berlin ee Anis Amri iyo laba qof oo kale oo laga shakiyay, waxaa sidaa sheegay saraakiisha ammaanka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tuunisiya ayaa sheegtay in saddexdaasi qof ee ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 27, ay ka tirsan yihiin "shabakad argagixiso", waxaana la xiray habeenkii xalay ahaa.
Anis Amri, oo 24-jir, kuna dhashay dalka Tuuniisiya ayaa waxaa maalintii Jimcihii toogasho ku dilay ciidammada booliska ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.
Weerarkii Isniintii ee gaariga lagu jiirsiiyay suuq ku yaal magaalada Berlin ayaa waxaa ku dhintay 12 qof halka 49 kalana ay ku dhaawacmeen.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Tuuniisiya ayaa lagu sheegay in wiilka uu abtiga u ahaa Amri uu qiray in uu abtigii kula xiriiri jiray barnaamijka Telegram ee ay bulshadu ku wada xiriirto si uu uga gaashaanto dhaqdhaqaaqyada ammaanka ee abtigii lagu baacsanayay.