You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaaradii laga afduubay Liibiya oo laga dajiyay Malta
Diyaarad rakaab oo laga leehay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay inay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.
Mas'uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad maxali ah.
Waxaa hadda ku hareereysan ciidammo. Waxaa sidoo kale garoonka ku sugan oo heegan sare ku jira shaqalaaaha gurmadka deg degga ah.
Waxay u muuqataa in aan wax xiriir ah lala sameynin kuwa afduubay diyaaradaasi oo la sheegay inay wataan bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xiray iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily.