Baarlamaanka Talyaaniga ayaa ansixiyay €20 bilyan oo lagu badbaadinayo bangiyada

Monte dei Paschi exterior

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa ansixiyay lacag ay dowladda ku doonayso inay ku badbaadiso bangiyada waddanka oo dhan €20 bilyan.

Wasaarada maaliyada ee Talyaaniga, ayaa laga yaabaa inay u baahan tahay inay badbaadiso bangiga saddexaad ee ugu wayn Talyaaniga ee Monte dei Paschi, toddobaadka danbe.

Sidoo kale lacagta ayaa lagu badbaadin doonaa bangiyo kale.

Horaantii, bangiga Monte dei Paschi, ayaa sheegay inay lacag la'aan ku dhacayso markii la gaaro bisha April ee sanadka danbe iyadoo isticmaalaysa ku dhawaad €11bn (£9.2bn).

Waxay markii hore sheegay inuu haysto lacag ku filan 11 bilood.

Bangiga Monte dei Paschi oo la aasaasay 1472, ayaa ah bangiyada adduunka ugu da'da wayn.

Bangiga ayaa joojiyay iibinta saamiyada bangiga saakay, markii ay hoos ugu dhaceen meeshii ugu hoosaysay tan iyo markii suuqa saamiyadaha lagu iibiyay saamiyada bangiga 1999-kii.

Bangiga ayaa isku dayayay inuu helo lacag dhan €5bilyan laakiin ilaa hadda waxaa u suurto gashay inay helaan €500 milyan oo kaliya.

Hadii bangiga uusan awoodin inuu lacag ka helo suuqa, dowladda Talyaaniga ayaa lacagta bixin doonta.

Monte dei Paschi, ayaa ku guuldaraystay tijaabadii Midowga Yurub ee bangiyada inay haystaan lacag ku filan iyo in kale bishii July, sababtoo ah bangiga ayaa ammaahiyay balaayiin euro oo lacag ah dad aan ammaahda iska bixin karin.

Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni

Xaalada ayaa ka sii dartay tan iyo markaas.

Ra'iisalwasaaraha cusub ee Talyaaniga , Paolo Gentiloni, ayaa balanqaaday inuusan ogolaanayn bangiga inuu lacag la'aan noqdo, iyadoo keeni karta haduu guuldaraysto bangiga inay saamayn doonto bangiyada kale ee ammaahyada badan qaatay .

Hadduu bangiga guuldaraysto wuxuu qatar galinayaa kumanaan dad oo lacagtooda ay bangiga u taallo.

Lacagta lagu badbaadinayo bangiga ayaa waxaa ansixiyay aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka Talyaaniga.