You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
QM oo sheegtay in Caruurta Nigeriya ay wajahayaan nafaqadarra.
Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in ugu yaraan 400,000 oo carruur ah oo ku nool Woqooyi bari dalka Nigeria ay wajahayaan nafaqadarro ba'an sababo la xiriira kacdoonka kooxda Booko Xaraam.
Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa waxa ay sheegtay in marka lagaaro sanadka dambe shan meelood hal meel ay dhiman doonaan carruurtaasi.
UNICEF, ayaa waxa ay sheegtay in kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha biyaha iyo kuwa caafiamadka ee dhulka ugu daran ee nafaqadarrada wajahayo ee gobolka Borno horey loo boobay ama la burburiyay.
Waxa ayna ka digtay in cudurrada shuban biyood iyo Malaariyada ay halis gelin karaan nolasha carruurta.