Qarax ka dhacay Muqdisho oo 21 qof ay ku dhinteen
Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ugu yaraan 21 qof ku dilay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Qaraxa waxaa lala eegtay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow dekadda magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhintay waxay isugu jiraan shacab iyo boolis. weerarkana wuxuu dhacay xilli ay meesha mashquul ahayd.

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa goobta ku yaallay maqaayado iyo xarumo kale oo ganacsi oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan.
Sidoo kale qaraxa waxa ku dhaawacmay 48 qof sida uu BBC-da u sheegay madaxa gawaarida gurmadka degdeg ah ee Amiin Ambalaas, Dr Cabdiqadir Cabdiraxman Xaaji Adan.
Qaraxa ka dib xabad ayaa laga maqlayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.











