You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mucaaradka Faransiiska: Soogalootiga yaan waxbarasho bilaash ah la siinin
Hogaamiyaha xisbiga garab-fog ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa ku baaqday in la soo afjaro waxbarashada bilaashka ah ee la siiyo caruurta ay dhaleen dadka sida sharci darrada ah ku gala dalka Faransiiska.
Marine oo ah haweenayda madaxwaynenimada ugu sharaxan xisbiga National Front sanadka fooda inagu soo haya ee 2017-ka ayaa hadal ay ka jeedisay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska waxay ka sheegtay in aysan wax dhib ah u qabin dadka ajaaniibta ah.
Laakiin waxay intaas ku dartay "haddii aad dalkanaga timaado ha filanin in lagu baxnaaniyo, lagu xanaaneeyo intaas ka dibna caruurtaada waxbarasho bilaash ah la siiyo.
"wakhtigii ciyaartu wuu dhamaaday" ayayna sii raacisay.
Marine ayaa la filayaa in ay noqoto mid kamid ah labada musharax ee isu soo hara ee gaara qaybta ugu dambaysa ee doorashada bisha shanaad ee sanadka soo socda.