You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Doorashada aadka loogu loolamayo ee dalka Ghana
Dadka Ghana ayaa safaf dhaadheer ku jira iyaga oo codadkooda ka dhiibanaya xarummaha codbixinta doorashada madaxwaynenimada.
Dadka siyaasadda ka faalooda waxay sheegayaan in uu yahay tartan aad la isugu dhaw yahay oo dhexmaraya madaxwayne John Mahama iyo Nana Akufo-Addo oo hogaamiyaha mucaaradka oo ah qof caan ah.
Dhammaan toddobada xubnood ee loolamayaba waxay ku baaqeen in hanaanka doorashada laga dhigo mid nabdoon, laakiin qof mucaaradka taageersanaa ayaa dhintay Isniintii ka dib markii isusoobax uu isu badalay rabshado.
Ol'olaha doorashada waxaa hareeyay dhaqaalaha aan cagaha adag ku taagnayn ee Ghana iyo musuqmaasuqa.
Waxaa la filayaa in natiijadu ay soo baxdo saddexda maalmood ee foodda inagu soo haya.
Wareegga labaad ee doorashada ayaa la qaban doonaa dhamaadka bishan, waase haddii labada murashax ee ugu cod badan uu san midkoodna helin in kabadan 50%
Doorashada baaarlamaanka ayaa sidoo kale la qabanayaa xisbiga Mahama ee NDC ayaana rajaynaya in uu aqlabiyad noqdo isaga oo lala loolamaya xisbiga Akufo-Addo ee New Patriotic Party.