You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sirte: Ciidamada Libya oo wada la dagaalanka IS
Dagaal muddo bilooyin ah ka socday waddooyinka magaalada Sirte ee Libya kadib, ciidamada Libya ayaa sheegay inay kooxda sheegata dowladda Islaamka ay wali kula dagaalamayaan dhufayskii ugu dambeeyay.
Waxaa jirtay mar ay kooxda sheegata dowladda Islaamka wada haysatay magaalada oo dhan.
Laakiin waxaa tartiib-tartiib uga qabsaday ciidamo ay horkacayaan cutubyo ka yimid magaalada ay deriska yihiin ee Misrata, iyadoo Maraykanka uu xagga hawada ka caawinayay.
Magaalada Sirte ayaa ah meesha kaliya ee muhiimka ah ee ay haysaan kooxda IS ee Libya.