You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gantaal ku dhacay bas oo sagaal ruux dilay
Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal ruux ay ku dhinteen todobo kalana ay dhaawacmeen kaddib markii gantaal laga soo riday dhanka Hindiya uu ku dhacay bas rakaab ah oo marayay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir.
Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in labo kale oo dheeri ah ay ku dhinteen ka dib markii gantaal uu ku soo dhacay gurigooda.
Mar sii horaysay Hindiya ayaa wacad ku martay in ay u aari doonto dilka loo gaystay saddex ka mid ah ciidammadeeda oo ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay gaysteen malayshiyo ay Hindiya sheegtay in ay ka soo talaabeen xadka Pakistan.
Weerarada ka dhaca xadka Kashmiir ayaa sii kordhay bilihii u dambeeyay.