You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Facebook oo samaynaya hanaan 'Shiinaha dhexdiisa lagaga isticmaali karo'
Shirkadda Facebook ayaa ka shaqaynaysa software gaar ah oo loo isticmaali karo in waxa lagu qoro bartan bulshadu ku xiriirto laga xayiri karo deegaanno gaar ah, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times.
Wargeyska ayaa sheegay in uu xogtan ka helay saddex ruux oo qaarkood hadda u shaqeeyaan qaarna ay ka tageen shirkadda.
Dadkaas ayaa xaqiijiyay in shirkaddu ay ugu talagashay in hanaankan cusub uu u suurtagaliyo in ay dib ugu laabato oo macaamiil ka hesho dalka Shiinaha.
Facebook ayaa diiday in uu xaqiijiyo amaba diido jiritaanka hanaankan cusub, balse wuxuu sheegay inay wakhti galinayaan sidii ay u fahmi lahaayeen wax baddana uga baran lahaayeen Shiinaha.
Tan iyo 2009 sida kali ah ee Shiinaha looga isticmaali karo Facebook wuxuu ahaa software gaar loo leeyahay oo aan sheegaynin meesha rasmiga ah ee uu joogo ruuxa isticmaalaya, isla markaasna khayaani kara habka lagu xadidido internetka ee dalkaas.
Facebook ayaa hadda haysta macamiil si joogto ah u isticmaasha oo gaaraysa 1.8 bilyan, wuxuuna aad ugu dadaalayaa in uu sii balaariyo macaamiishaas oo uu gaaro kuwa jooga dalalka aan hadda laga isticmaalin Facebook.