You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
UN oo Australia ku eedeysay xadgudub ka dhan ah qaxootiga
Sarkaal sare oo ka mid ah Qaramada Midoobeey ayaa nacayb ku tilmaamay sida dowladda Australia ula dhaqanto dadka megengelyo doonka ah.
Dadkaas oo lagu hayo Jasiirado ayuu sheegay inay tahay tallaabo ka baxsan bini-aadamnimada iyo inay tahay bahdil.
Francois Crepeau oo ah ergeyga gaarga ah ee UN u qaabilsan wararka xuquuqda aadanaha, ayaa hadalkaasi jeediyay ka dib markii uu booqday goobo ay ka mid tahay jasiiradda yar ee Nauru.
Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga lagu hayay jasiiraddaasi illaa sideed sano.
Mr Crepeau wuxuu tilmaamay inuu dhibsanayo caruurta lagu hayo jasiiradaha ee anan helin taageerada ay u baahan yihiin.
Wuxuu ku baaqay in sharci cusub oo xuquuqda aadanaha lagu difaacayo ay Australia sameyso.
Wuxuu sidoo kale amaanay heshiis cusub oo dhigaya in dadka nugul dib u dejin laga siiyo Mareykanka, inkastoo aysan cadeyn in Donald Trump uu aqbalaayo heshiiskaasi.