Taliyaaniga: Dhaqaale badan oo ku baxaya dib u dhiska magaalooyiinkuu dhulgariirka uu dumiyay

Dhulgariirka ayaa burburiyay magaalooyiin ku yaalla bartamaha dalkaasi

Xigashada Sawirka, twitter_monksofnorcia

Qoraalka sawirka, Dhulgariirka ayaa burburiyay magaalooyiin ku yaalla bartamaha dalkaasi

Saraakiisha dalka Taliyaaniga ayaa ku qiyaasaya in sagaal bilyan oo dollar ay ku bixi doonto dib u dhisidda magaalooyiinka iyo deegaanada uu dhul gariirka ku dhuftay Axaddii.

Ka dib kullan ay yeesheen wasiirada iyo hogaamiyayaasha gobollada, ra'iisul wasaaraha Matteo Renzi, wuxuu sheegay in dadka si ku meel gaar ah loo dejin doono konteenaro, inta dib u dhiska uu socdo.

Wuxuu tilmaamay in xilli yar oo macquul ah ay tallaabadaasi qaadan doonto.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dib loo dhisayo kaniisadaha Norcia, oo ka mid ah magaalooyiinka uu sida xun ugu dhuftay dhul gariirka.

Laanta difaaca shacabka ayaa waxa ay sheegeysaa in 40 kun oo qof ay ku caawiyeen guryo ku meel gaar ah iyo cunto.

Burburka jidadka ayaa caqabad ku noqday gargaarka iyo dayactirka.