Dhulgariir 13 ku dilay Tanzania ayaa dalalka dariskana laga dareemay

Xigashada Sawirka, AP
Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.7 ayaa waqooyiga dalka Tanzania ku dilay 13 ruux kuna dhaawacay 203 ruux sida ay xukuumaddu sheegtay.
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay meel u dhaw xadka uu dalku la wadaago Uganda iyo Rwanda meeshaas oo aan aad uga fogayn harada Lake Victoria.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur balaaran oo soo gaaray dhismeyaal ku yaala magaalada Bukoma oo ay ku nool yihiin in kabadan 70,000 oo doolar halkaas oo ah meesha laga soo sheegay waxyeelada ugu badan.
Dhaqdhaqaaqa dhulka ayaa laga dareemay qaybo ka mid ah galbeedka Kenya.
Deodatus Kinawila oo ah gudoomiyaha dagmada ayaa BBC-da u sheegay "in dhulgariirku uu burbur badan gaystay".

Xigashada Sawirka, AP
Laakiin wuxuu intaas ku daray "in hadda ay xaaladdu dagan tahay" qaar ka mid ah dadkii dhaawacmayna laga soo saaray isbitaalka isla markaasna aysan filaynin dhaawac horleh.

Bariga Afrika Caadiyan dhulgariir wayn kama dhaco, laakiin bishii July ee 2007 dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay lix ayaa ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.






