You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hindiya oo sheegtay in laba askeri looga dilay Kashmiir
Saraakiisha Hindiya waxa ay sheegayaan in laba askeri looga dilay dagaal xalay ka dhacay Kashmiir, qeybta Hindiya ay maamusho.
Mid ka mid ah askartaasi wuxuu dhintay ka dib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday gaari ay wateen ciidamo kormeerayay qadka kala qeybiya Pakistan iyo Hindiya.
Maamulka Hindiya ayaa weerarkaasi ku eedeeyay wax ay ugu yeereen mintidiinta Kashmiir ee dhanka Pakistan.
Askeriga labaad ayaa la sheegay in maydkiisa la jarjaray, kaddibna kooxda ay u baxsatay dhanka Pakistan.
Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Pakistan iyo Hindiya ayaa aad u sareysay dhowrkii isbuuc ee aanu soo dhaafnay.
Arrintaasi waxay ka dhalatay ka dib weerar lagu qaaday saldhig ciidamada Hindiya ay leeyihiin. Waxaa jiro dad ku dhintay isku rabshadihii ugu dambeeyay.